Iran iyo Maraykanka oo is-dhaafsaday Maxaabiis

Published: September 19, 2023

Shan muwaadin oo Maraykan ah oo laga siidaayey xabsiga Iran ayaa la geeyey magaalada Doxa ee dalka Qatar shalay gelinkii danbe, heshiiskan is-dhaafsiga maxabiista ee Maraykanka iyo Iran waxaa garwadeen ka ahaa wadanka Qatar.

Mareykanka ayaa dhankiisa siidaayey shan muwaadiniin reer Iran ah iyo wareejinta 6 bilyan oo doolar oo ahayd lacagtii laga xayiray wadanka Iran.

Ma cadda in is dhaafsigan uu horumar ka keeni karo arrimo badan oo ay isku khilaafsan yihiin labada dal, sida barnaamijka Nukliyeerka Iran, taageerada ay siiso maleeshiyada shiicada ah ee gobolka, joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Khaliijka iyo cunaqabataynta uu Maraykanka saaray Iran.

Horseed Media