Israa’il oo duqeyntii u darneyd bilowdey kadib qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey

Published: March 26, 2024
Shares36

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay duqayn habeenkii xalay ay Israa’iil ka geysatay guri ku yaalla magaalada Rafah, iyadoo sagaal carruur ah ay ku jiraan dadka dhintey, sida ay sheegeen dad goobjoog ah oo u waramay Al Jazeera.

Duqeynta ay Israa’iil ka geysatay xaafadda Nassr ee waqooyi bari Rafah, ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare nafeed.

Weerarada ka dhacay degmada koonfurta Qaza oo ay ku barakaceen in ka badan 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa imaanaya kadib markii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayo xabbad joojin deg-deg ah oo laga sameeyo Gaza, waana go’aankii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu gaaro dagaalka lixda bilood ku dhow.

Ansixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah mid aad muhiim ugu ah inta badan Falastiiniyiinta, waxay muujinaysaa hal shay oo muhiim ah – beddelka mawqifka hal waddan oo Israa’iil ka ilaalinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannado badan kaas oo ah Maraykanka oo qaraarka aan diidmada qayaxan dul dhigin.

Qaraarka ayaa dadka reer Gaza rajo gelinaya. Laakiin wali arrimuhu aad bay u xasaasi u yihiin sababtoo jawaab celinta ka timid xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, iyo sidoo kale golihiisa dagaalka, oo sheegaya in qaraarku uusan waxba u tarayn milatariga Israa’iil. Sidoo kale waxaa xalay duqeymo dhanka cirka ah ka dhacay magaalada Rafah iyo qeybo kale oo ka tirsan Qaza.

Dhanka kale habeenkii xalay Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeeyay in ka badan 60 bar-tilmaameed ah oo ku yaalla Gaza, waxaana muuqata in Israel ay dhegaha ka furaysatey qaraarka Qaramada Midoobey.

Hanad Askar
Horseed Media