Israel oo isu diyaarinaysa weeraro uga yimaada IRAN

Published: April 4, 2024
Shares2

Maamulka Israel ayaa heegan sare geliyey ciidamadooda difaaca cirka, xili ay ka cabsi qabaan weerar aargoosi oo uga yimaada dhinaca dowlada Iran, kadib duqeyntii Israel ay la beegsatay safaaradda Iran ee Dimshiq, Siiriya.

Isniintii lasoo dhaafay ayey ahayd markii Israel duqeyn la beegsatay daarta Qunsuliyada Iran oo ku dhinac taalay Safaarada Iran ee caasimada Siiriya, weerarkaasi oo lagu dilay labo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Jamhuuriga Iran qeybtooda dibada ee Al Qudus.

Weerarkaasi duqeynta ah ayaa sidoo kale lagu dilay 6 qof oo kasoo jeeda dalka Siiriya.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in xiliga ay duqeynta dhacday lagu waday inay halkaasi ku kulmaan wafdi ka socda xoogaga xoreynta Falastiin iyo Saraakiisha sare ee Iran.

Duqeyntii Isniintii ayaa sidoo kale lagu beegay maalin kadib markii xoogaga Shiicada ee dalka Ciraaq oo taageero ka hela Iran, ay weerar diyaarad Drone ku qaadeen saldhiga ciidamada Badda Israel ee ku yaal Eilat.

Waxaana la sheegay in weerarkaasi lala beegsaday Saldhiga Taliska Ciidamada Badda ee Israel khasaaro kasoo gaaray mid kamid ah maraakiibta dagaalka ee Israel kuwooda ugu casrisan, walow warkan ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan warbaahinta Israel iyo kuwa reer Galbeedka.

Israel ayaa xalay heegan sare gelisay ciidamadeeda difaaca cirka iyadoo la filayo in dowlada Iran jawaab adag ka bixiso duqeyntii safaarada iyo qunsuliyada ay kuleedahay Siiriya.

Macada in Iran ay jawaab toos ah ka bixin doonto duqeynta Israel ama inay u adeegsan doonto kooxaha shiicada ah oo ay taageerto oo fadhiyadoodu yahay Lubnaan, Siiriya iyo Ciraaq. Kooxahaasi oo horey duqeynmo badan uga geystay gudaha Israel tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Horseed Media