Israel oo sare u qaaday duqeynta Gaza, kahor hakinta dagaalka

Published: November 23, 2023
Shares4

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa xalay iyo saaka sare u qaaday duqeynta ay ku wadaan Gaza. Kahor inta aysan bilaaban hakinta dagaalka 4 maalmood.

Waxaa dib u dhac ku yimid ku dhawaaqista xiliga ay bilaaban doonto hakinta dagaalka Gaza oo ay aqbaleen Xamaas iyo Israel.

Saaka oo Khamiis ah ayaa lagu waday inay bilaabato hakinta dagaalka.

Israel ayaa sare usii qaaday duqeynta kahor joojinta xabada oo socon doonta 4 maalmood.

Madaafiicda Israel ayaa duqeeyey nawaaxiga Iskuulka Khalifa ee ku yaal Beyt Lahiya ee waqooyiga Gaza. Iskuulkaasi ayey ku nool yihiin 8000 oo barakacayaal ah.

Sidoo kale xaafadaha Sheikh Ridwan iyo Shajaciya ee bartamaha Gaza ayaa kamid ah goobaha sida xun loo duqeeyey.

Xukuumada Israel ayaa Arbacadii aqbashay heshiiskan hakinta dagaalka & isdhaafsiga maxaabiista. Macada waxa keenay dib u dhaca.

Xamaas ayaa ogolaatay inay siideyso 50 haween & caruur ah oo ay horey u qafaasheen.

Israel ayaa laga doonayaa inay siidaayaan 150 Falastiiniyiinta xabsiyada ugu jira.

Heshiiskan hakinta dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah in gargaarka bini’aadamnimo la gaarsiiyo Gaza.

Duulaanka Israel ee Gaza waxa illaa iyo hada lagu dilay 14.532 qof oo ay ku jiraan 6.000 Caruur ah iyo 4.000 Haween ah.

Horseed Media