Itoobiya oo lagu eedeeyay inay toogteen ciidamo u dhashay Suudaan

Published: June 27, 2022

Milateriga Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay dileen 7 askari oo u dhashay Suudaan iyo qof rayid ah oo maxaabiis ahaan ay u heysteen.

Ciidamada Suudaan ayaa sidoo kale ku eedeeyay Itoobiya in ay shacabka u soo bandhigtay meydadka dadkii la toogtay, waxa ayna wacad ku mareen in ay “jawaab ku haboon ka heli doonaan”.

Militeriga Suudaan wuxuu dilalka ku tilmaamay arrin khiyaano ah, waxay sheegeen inay jawaab ka bixin doono falkaas.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya oo ku saabsan dilkan lagu eedeeyay.

Labada dal waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muranka dhanka xadka ah kaas oo soo ifbaxay labadii sano ee ugu dambeeyay, marar qaar dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Al Fashaqa.

Suudaan ayaa sidoo kale ka carootay biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *