Jordan oo kordhisay askarteeda ku sugan xaduuda Israel

Published: November 22, 2023

Dowlada Jordan (Urdun) ayaa sheegtay inay sare u qaaday ciidamadeeda ku sugan xaduuda ay la wadaagto dhulka ay Israel heysato.

Urdun ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin in Israel ay isku daydo inay shacabka Falastiin xooga uga soo-saarto dhulkooda Daanta Galbeed.

Waxayna intaasi ku dartay in tilaabadaasi ay noqon doonto mid jabisa heshiiskii nabada oo ay horey u wada saxiixdeen Jordan iyo Israel.

Raysalwasaaraha Jordan Bisher Khasawneh ayaa sheegay inay adeegsan doonaan wax walba oo awoodooda ah.

Jordan ayaa ka cabsi qabta in dalkeeda ay soo buuxiyaan Falastiiniyiinta laga baro-kicinayo dhulkooda. Dalkaasi ayey horey ugu noolaayeen qaxooti badan oo reer Falastiina ah.

Waxaa xusid muddan in Jordan weli aysan gebi ahaan jarin xiriirka ay la leedahay Israel.

Wadanka Jordan ayaa sidoo kale kamid ahaa 9kii wadan ee Carabta ee diiday in cunaqabateyn lagu soo rogo Israel.

Horseed Media