Jubbaland oo gargaar gaarsiisay dadka ay abaartu ku sameeysay degannada maamulkasi

Published: February 9, 2022

Guud ahaan deegaannada Jubbaland waxaa bilihii lasoo dhaafay ka jiray abaaro daran oo saameeyay dadka xoolo dhaqatada, Beeraleeyda iyo guud ahaan bulshada.

Intaas waxaa sii dheer xoolo dhaqato iyo dad ree guura ah oo kasoo barakacay dalalka dariska ah oo soo gaaray Gobolada Jubbaland.

Tiro gaaraysa 174,000 oo qoys ayaa ku barakacay abaarta iyo saamanteeda laga soo bilaabo Oktoobar 2021, iyadoo dadkaas ay wajahaday cuno yari baahsan iyo biyo la’aan meelaha qaarna wali dadku ay la il daran yihiin.

Gobolka Jubbada Hoose oo kaliya waxaa ku barakacay 76,000 oo qoys halka sidoo kale Jubada dhexe ay ku barakeceen dad gaaraya 40,000, gobolka Gedo isagana waxaa ku barakacay 58,000 qoys ilaa bilowga sanadkan.

Dowlada Jubbaland waxay awoodeeda isugu gaysay sidii gurmad baaxad leh loola gaari lahaa dadka dhibaatadu ay gaartay

In ka badan 250 deegaan guud ahaan Jubbaland ayaa la gaarsiiyay gurmad kala duwan oo isugu jiro cuno iyo biyo, sidoo kale waxaan meelaha qaar la geeyay howlwadeeno iyo dhakhaatiir caafimaad oo la tacaala xanuunka #Covid19 oo meelaha qaar aad ugu faafay.

Iyadoo ay jiraan dadaaladaas baaxada leh, hadana wali dhibaatada abaartu waa mid u baahan gurmad dheeraad ah.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo ka qeyb qaadan karta inay taageero ka gaysato gurmadka aan wadno”. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxeynaha dowlad goboleedka Jubbaland

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *