Laftagareen iyo Danjiraha Ingiriiska oo kawada hadlay arimaha Doorashooyinka

Published: March 28, 2021

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin, doorashooyinka iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac gaar ahaan dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray dardar gelinta howlaha tababar ee UK ka waddo Koofur Galbeed iyo sidii loo labo jibaari lahaa shaqooyinkaas.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dowladda UK ugu mahad celiyay taageerada Soomaaliya ay siiso gaar ahaan dadaalada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa sheegtay in ay sii wadayaan tababarada iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka oo ay ka wadaan degaanada Koofur Galbeed.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka gaar ahaan doorashooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hor taagan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *