Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo oo dhaleeceyn loo soo jeediyey.

Published: August 28, 2023
maxaabiistii Somaliland oo qayileysa

Baraha bulshadu ku xiriirto ee loo yaqaan “Social Media” waxaa is qabsadey dhaleeceyn iyo guubaabo loo jeedinaayo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo, kadib markii ay ka badbadiyeen qaabka ay ula dhaqmeen maxaabiistii dagaalka ee laga qabtey ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa muddo 8 bilood ah duqeyn aan loo aaboyeelin ku hayey magaalada Laascaanood, waxay duqeeyeen isbitaaladii, Jaamacadihii iyo guryihii dadka rayidku deganaayeen, waxaa magaalada isaga qaxey 200,000 oo qof, waxaan duqeyntaas ku nafwaayey boqolaal qof oo kale. Somailand waxay diideen dhamaan baaqyadii loo jeedinaayey. Hay’adda Amnesty International ayaa war ay ka soo saartey ku sheegtey in Somaliland ku xadgudubtey xuquuqda aadanaha oo duqeysey goobaha rayidka

Kadib markii guushii dagaalka ay heleen ciidamada mamaulka SSC-Khaatumo 25 Agoosto, waxaa gacantooda soo galay 300 oo maxaabiis ah oo ay ku jiraan saraakiishii hoggaamineysey ciidankaas.

Dhalinyarada baraha bulshada ayaa ku eedeeyey maamulka SSC-Khaatumo in ay ka badbadiyeen hagaajinta maxaabiista taas oo dhaawacaysa dadkii dhibanayaasha u ahaa. Waxaa is dhexgalay dhalinyarada kaamarooyinka sita kuwa telefoonada sita ee dhex mushaaxaya Maxaabiista su’aalo aan loo dirsana weydiinaya, sida waxay dareemayaan maxaabiistu, qabiilkooda iyo fariin ay dirayaan, sidoo kale waxay ku eedeeyeen maamulka in maxaabiista la geeyey guryo goglan halkii la geyn lahaa xabsiga waxaana loogu daray in gurayaha goglan qaad (Jaad) loo geeyey.

Dhalinyarada baraha bulshada ayaa dalbanaya in maxaabiista loola dhaqmo si waafaqsan xuquuqda maxaabiista la geeyo xabsiyada loogu tala galay, dadka shacabka ah laga ilaaliyo, sidoo kale waxay qoraaladooda ku dalabanayaan in saraakiisha si gooni ah loo xiro si aysan saameyn ugu yeelan askarta kale, cidda keliya ee loo oggolaanayo ay tahay hay’adda Laanqeyrata cas ama Bisha Cas in booqan karaan si loo xaqiijiyo in xaaladoodu waafaqsan tahay nidaamka maxaabiista.

Horseed Media