![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/06/3-5.jpg)
Wafdi ka socday dowladda hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay guddoomiye k/xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa magaalada Konya ee dalka Turkiga, kula kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya, Mr. Ercan Uslu,
Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada hadlay kor u qaadida iskaashiga maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/06/2-12.jpg)
labada Dawlad hoose ayaa intaasi kadib isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo arimaha soo socda.
1- Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo.
2- In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/06/4-5.jpg)
3-Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.
4-In si deg deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/06/5-2.jpg)
5- In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.
Horseed Media