Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Amniga Gobolka Bari.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/08/FB_IMG_1629721874580.jpg)
Shirka ayaa waxa looga hadlay Todobaadkan xoojinta amniga guud ee Gobolka, la dagaalka kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish, u diyaar garowga dadka kusoo noqonaya Magaalada Bosaaso iyadoo uu dhammaaday xiligii xagaagga, isku xirka lamaaha amaanka Gobolka Bari, Iyo u diyaar garowga khaasaraha ka dhalan kara roobabka iyo dabeeylaha inagu soo wajahan.
Waxaa ka soo qeyb galay shirka wasiir ku-xigeenka wasaarada Dekadaha Dowladda Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiyaha Iyo ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Taliyeyaasha Dekadda, Iyo Jeelka weyn ee Magaalada Bosaaso.