Madasha Badbaado Qaran “Waxaa muhiim ah in la isugu yimaado Wadashi loo dhan yahay”

Published: March 23, 2021

Waxaa maanta magaalada Muqdsho shir uu uga furmay madaxda iyo siyaasiyiinta ku midoobay Golaha la baxay Badbaado Qaran shirkaas oo diiradda lagu saaray ismari waagga siyaasadeed ee weli ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Madashan oo ay ku mideysan yihiin dowladaha xubnaha ka ah dowladd Federaalka ee Puntland iyo Jubaland , musharixiinta mucaaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ayaa markale ku celiyay in dalku uu weli ku jiro xaalad hubanti la’aan doorasho loona baahan in la isugu yimaado wadatasho loo dhan yahay si loo gaaro heshiis lagu wada qanacsan yahay.

Guddoomiyaha Madashan Badbaado Qaran ahna Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta la wadaagay warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha ayaa sheegay in ay sii socon doonaan kulamada looga arinsanayo xaaladda murugsan ee doorashada ilaa dalka laga badaadinayo xaaladda cakiran ee uu marayo sida uu yiri.

“Madashu wax ay isu taagtay badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii looga saari lahaa xaaladan murugsan ee aynu ku jirno ee mudada dheer aan u taaganahay , waxaynu u baahanahay in aynu tashano heshiino lawada hadlo dalkanna laga badbaadiyo Dhibaatada Taagan , Waxaan leeyahay madasha shirkeedii waa Furmay wuu soconaa ilaa inta aan ka gaarayno in Soomaali waxa ay heshiis ku tahay ay gaarto” ayuu yiri gudoomiye Cabdi Xaashi.

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka jira isjiid jiid siyaasadeed iyo kulamo iska soo horjeeda ,Beesha caalamkuna waxa ay madaxda iyo siyaasiyiinta markale ku boorisay in la isugu yimaado shirar loo dhan yahay lana muujinayo tanaasul.

Safaaradda Mareyanka ee Soomaaliya oo maanta soo saartay warsaxaafadeed kale ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ugu baaqday in si shuruud laa’an ah looga wada qeyb galo shirweynaha balaaran ee wadatashiga ee arimaha doorashooyinka.

Horseed Media.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *