Madaxda Dowlad Goboleedyada Iyo DFS Oo Yeeshay Kulan Hordhac U Ah Shirka Amniga Qaranka

Published: June 22, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay kulan hordhac u ah shirka amniga Qaranka oo ka qabsoomay aaladda Internetka (Whatsapp & Zoom) kaas oo ay kasoo qaybgaleen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, raisulwasaaraha Soomaaliya iyo raisulwasaare kuxigeenka.


Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn ka warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, isagoona dhanka kale sheegay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada, wuxuuna xusuusiyey madaxda muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimada.


Madaxda dowladda federalka iyo dowladdaha xubinta ka ah dowladda federalka ayaa kulankaan intii uu socday ku heshiiyay in si degdeg ah uu u qabsoomo shirka amniga iyo doorashooyinka islamarkaana waxaa la isku raacay in Madaxweynuhu go’aamiyo goobta iyo wakhtiga shirka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *