Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo QM kala hadlay Xoojinta Aminiga iyo xaaladda Abaaraha

Published: July 31, 2022
Shares24
Wafdiga Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel-gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen iyo James Swan

Madaxweyne Laftagareen iyo danjire James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka Argigixisada iyo Hirgelinta Mashaariic Hormarineed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *