Madaxweynaha oo qirey khasaarihii Cawsweyn ka dhacay

Published: September 2, 2023
xasan sheekh maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ka qaybqaatey dood ka dhacdey barta X (Twitter), waxaana uu ka hadley hawlgaladii ugu danbeeyey ee ciidamada isaga oo qirey in dhibaato ka dhacdey deegaanka Cawsweyn ayna saameyn yeelatey.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inysan jirin deegaan aan Cowsweyne eheyn oo lagu jabiyay ciidamadda xoogga dalka inta ay socoto howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

“Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka Dowladda dhibaato ka soo gaartey ma jirto. Hadda waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen ” ayuu yiri madaxweynuhu

Waxa uu sheegay inuu raja wanaagsan ka qabo in Shabaab laga adkaanayo, taasoo sabab uu uga dhigay tabar darida argagsixisada.

“Dagaalka waa soconaa ma is taagaayo. Mooraalkeena waa sareeyaa. Boqolkiiba boqol ayaan kalsooni ku qabnaa inaan ka adkaanayno argagxisada” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dooda ka dhacdey X waxaa ka qaybqaatey Raysalweaare hore Cumar Cabdirashiid oo sheegay in loo baahan yahay in dagaalka wakhti la siiyo oo aan la degdegin, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh horey u sheegay in shan bilood uu ku soo afjaraayo.

Horseed Media