Madaxweynaha Puntland iyo Wefdigiisa oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey degmada Badhan – Sawiro

Published: September 19, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa safar koodii shaqo ee taariikhiga ahaa kusoo gaadhay gelinkii danbe ee maanta 19 Sep 2018, magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaalo madaxda gobolka Sanaag ee degmada Badhan, waxaa kusoo dhoweeyey maamuulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, ururada bulshada rayid ka, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin aqoonyahano, bahda waxbarashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Badhan.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qasrigiisa ku yaalla degmada Badhan ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, halkaasi oo uu Madaxweynaha ugu soodhoweeyey si habmaamuuskeedu sareeyo.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa degmada Badhan iyo guud ahaaba gobolka, waxaana uu xusay suldaanku in maanta ay tahay maalin tariikhi ah oo gashay baal dahab ah.

Maanta waxay inoo tahay maalin tariikhi ah oo aannu kusoo dhoweynayno Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa, waxay soo booqdeen dalkiisa iyo dadkiisa isaga oo balan qaaday mashaariic badan berigu musharaxa ahaa, waxaan marag ka nahay inay fuleen uuna maanta u yimid midha-dhalkooda, Soomaaliya ninkii ugu horeeyey oo wax la taaban karo ka qabta gobalkan waa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas…` Ayuu yiri Suldaanku.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Sanaag soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntlnad ayaa shacabka degmada Badhan uga mahadceliyey soodhoweyntooda qiyaas la`aanta ah ee wanaaggu ku dheehan yahay.

Safarka Madaxweynaha ayaa sidoo kale ahaa inuu soo kormeero dhismaha wadada Ceel Daahir – Ceeri Gaabo oo wajigiisii kowaad gebo gebo yahay, wuxuuna sidoo kale maanta si rasmi ah xariga u jaray Jaamacada Maakhir oo kamid ahaa mashaariicda waaweyn ee gobalka laga fuliyey.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *