![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/Shirweynaha-Dhallinyarada-Puntland-160122-1-1047x720.jpg)
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dhallinyarada Puntland oo labo maalmood ka soconaya Garoowe.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/Shirweynaha-Dhallinyarada-Puntland-160122-2-1080x720.jpg)
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Shirwayanaha Dhallinyarada Puntland, oo ah fursad dhallinyaradu arrimahooda gaarka ah ku gorfeynayaan, wuxuuna u rajeeyay in uu noqdo mid ay wax wanaagsan kasoo baxaan.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/Shirweynaha-Dhallinyarada-Puntland-160122-3-1053x720.jpg)
Dowladda Puntland oo ka duulaysa siyaasadda Madaxweynaha ee fursadsiinta Dhallinyarada Puntland ee uu hore u ballan qaaday, waxaa Dowladdu hirgelisay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo dhallinyarada siinaya fursad-siyaasadeed oo aysan hore u haysan, Dowladda oo 69% Dhallinyaro tahay, Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Puntland oo la sameeyay iyo sidoo kale horumarinta Ciyaaraha iyo Garoomada Kubadda cagta Puntland.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/Shirweynaha-Dhallinyarada-Puntland-160122-4-1080x720.jpg)
Shirwaynaha ayaa lagu soo bandhigay hal-abuurka qaar ka mid ah Dhallinyarada Puntland, oo sameeyay Gawaari, Adeegyo danabeysan iyo agab kala duwan, waxaana lagu dhiirrigeliyay dadaalkooda iyo hal-abuurkooda.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhallinyarada Puntland ugu baaqay ka shaqeynta midnimada, nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo Ku dhawaaqay halku dhigga cusub ee ah Midnimo iyo Nabad.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/Shirweynaha-Dhallinyarada-Puntland-160122-5-1080x720.jpg)
Kulanka waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kala qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Ururada Bulshada, Dhallinyarada Puntland oo isaga yimi dhammaan Gobollada iyo marti Sharaf kale .
Waan ku faraxsanahay shirweynaha horumarinta dhallinyarada ee ka qabsoomay magaala madaxda puntland garowe