Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Hobyo-Sawiro

Published: January 23, 2018

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Hobyo, iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Wafdiga Madaxweynahawaxaa Magalaada ku soo dhaweeyey Mas`uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaano, Siyaasiin, Waxgarad iyo qeybaha kale duwan ee bulshada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa u gacan qaaday dhammaan dadkii ku soo dhaweeyey Magaalada, isla markaana ka mahad celiyey sida ay u soo dhaaweeyeen shacabka reer Hobyo.

Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhagax-dhigay Dekedda ay yeelaneyso Degmada Hobyo, taasoo ah deked istiraatiiji ah. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay wado isku xirta Hobyo iyo Caabudwaaq, taasoo noqon doonta Kastamka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Hobyo lagu wadaa in uu la kulmo bulshada qeybaheeda kale duwan

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *