Madaxweyne Deni Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Wariye Jamaal Faarax Aadan

Published: March 1, 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida wariye Jamaal Faarax Aadan oo caawa kooxo hubaysan ku dileen qaybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne Deni tacsida iyo tiraanyada la qaybsanayo dhamaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland.

” Anigoo ku hadlaya magacayga, kan dowlada iyo kan shacabka Puntland, waxaan tiraanyada la wadaagayaa bahda warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland oo uu caawa ka baxay alle ha u naxariistii janno haka warbaabiyee marxuum Jamaal Faarax Aadan.”

Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni amray laamaha amaanka gobolka Mudug inay si degdeg ah ugu soo dhigaan cidii falkaasi ka dambaysay, wuxuuna xusay inuu marxuumku kamid ah halyeeyada bilaabay inay shacabka ku baraarujiyaan dhagarta argagaxisada.

Alle ha u naxariistee wariye Jamaal oo kamid ahaa suxufiyiinta Puntland kuwooda ugu faca weyn ayaa kasoo shaqeeyey shirarkii looga arrinsayey oo lagu yagleelayey dowlada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *