Madaxweyne Deni oo kulan dhiirigelin ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliiska

Published: November 23, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dalxiiska ee Ceel-haare oo ka tirsan degmada Qardho kulan dhiirrigelin ah kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, ayaa isaga kala yimi Gobollada Puntland Waxaana ay ka qeybgaleen munaasaddii tababarka loogu soo xiray dufcadii 4-aad ee Ciidamada Booliska ee la tababaray, kuwaasi oo laga keenay dhammaan Gobollada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Saraakiisha shaqada wanaagsan ee ay hayaan, wuxuuna faray in lasii laba jibaaro dadaalkooda iyo ka shaqeynta Amniga oo uu ugu horeeyo la dagaalanka maandooriyaha .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo gobollada isaga yimi iyo maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *