Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland iyo Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Karkaar.
Hoos ka akhriso wareegtada:
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 31ka March 2022 kuna saabsan Magacaabis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland
Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
- Waxaa G/sare Cabdiwaaxid Cabdille Warsame loo magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland.
- Waxaa G/sare Cabdirisaaq Faarax Warsame loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.
Horseed Media