Madaxweyne Deni oo wadahadal la yeeshay Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Published: March 24, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay wadahadal dhinaca aaladda maqal iyo muuqaalka (Zoom) waxa uu la yeeshay Danjiraha dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz

Madaxweyne Deni iyo Danjire Mehmet Yilmaz ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Puntland ayaa bartiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay aalada Facebook waxa uu soo dhigay qoraal uu uga hadlayo kulanka dhexmaray isaga iyo danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya waxaana uu yiri:

Waxaan caawa kulan kula qaatay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kulamo kula qaadanayay siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka kulamadaas oo gundhig u ahaa arimaha doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *