Published: September 29, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/09/FB_IMG_1632912760915.jpg)
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
- Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.
*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.
Horseed Media