Madaxweyne Deni: Puntland waxay diyaar u tahay Doorasho Qof iyo Cod oo dhab ah! – SAWIRO

Published: July 18, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo maanta ka qeyb galay shirweynaha ururka Siyaasadeedka ee KAAH oo uu ka tirsan yahay, ururkaasi oo u tartamaya inuu kamid noqdo xisbiyada rasmiga ah ee Puntland yeelan doonto marka loo gudbo doorashooyinka Puntland 2024.

Siciid Cabdullahi Deni Madaxweynaha Puntland ayey xisbiga ku wehliyaan inta badan xukuumadiisa ayaa waxaa sidoo kale garab fadhiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Yusuf Jibriil, waxaa iyaguna ku jiray xubnaha ururkan Guddoomiyayaasha gobalada iyo Degmooyinka, waana tan keentay in ururkan lagu tilmaamo “Xisbi xaakimka”.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta si rasmi ah shirweynaha Golaha Dhexe ugu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha ururka, halka Madaxweyne kuxigeenka uu noqon doono Guddoomiye kuxigeenka.

“…Hal dollar oo ay Dowlada Puntland leedahay ma gelin ururkan (Xisbiga), waana hanti ka timid shacabka iyo ganacsatada xubnaha ka ah ururka…” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay qaab dhismeedka ururka iyo himiladooda ah inay sameystaan xarumo uu ururka leeyahay.

Waa maalin Taariikhi u ah Puntland iyo Soomaaliya, maadaama tilaabadan ay tahay mid wanaagsan oo horey loogu qaaday Dimuquraadiyada iyo nidaamka doorashada Qof iyo Cod ee 2024.

Xukuumada Puntland ee Madaxweyne Deni ayaa sanadkii ugu horeysay oo ay xilka qabatay sheegtay inay diyaarineyso doorashooyinka Qof iyo Cod ah in Puntland u gudubto, waxaana hada dhismahay ururadii Siyaasadeed oo maanta qaarkood qabshadeen shirweynahooda, kuwaasi oo doonaya inay u gudbaan Xisbiyada Rasmiga ah kadib markii ay dhacdo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Doorashada Soomaaliya

Deni oo ka hadlayey arrimaha Federaalka iyo doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay doorasho Qof iyo Cod ah balse ay diidan tahay nidaam khaldan oo la isdhexgeliyo nidaamkii Qabiilka ee 4.5 iyo mid qof & cod ah.

“…Dad baa ku hadlayey in Puntland diidan tahay qof iyo Cod, hadaan diidanahay waxaan oo hawl ah ma anagaa qaban lahayn?  Waxaanu diidanahay waa arrintan khildan oo ah in la isdhexgeliyo nidaamkii Qabiilka iyo Qof & Cod…” ayuu yiri oo Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey qaabka Baarlamaanka Federaalka hada ugu ololeenayo doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.

Puntland ayaa ku dhaliishay Xukuumada Federaalka ee Nabad iyo Nolol inaysan daacad ka ahayn nidaamka Qof iyo Cod isla markaana intii ay xilka heysay 3.5 sano aysan qaban hawlihii ugu muhiimsanaa sida: Xoreynta Dhulka AlShabaab heysato, tirakoobka, diiwaangelinta, dhameystirka Dastuurka & Xisbiyada.

Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo uu wakhtigooda ka dhacayo bartamaha sanadka soo socda ayaa codsaday in 13 bilood loogu daro si ay doorashooyin Qof iyo Cod ah u qabtaan walow wakhtigaasi la sheegay in aan lagu qaban karin, arrintan oo lagu tilmaamay muddo kororsi ay doonayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Villa Somaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *