Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Shir Madaxeedka IGAD

Published: July 14, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan oo ay madaxdu ay ku wada xiriireen mareegta internet-ka ayaa looga hadlay horumarrada laga gaaray dadaallada xal u helista colaadda Suudaanta Koonfureed, qorshaha COVID19 ee dalalka IGAD iyo qodobo kale oo la xiriira arrimaha iskaashiga dalalka IGAD.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay hannaanka ay Soomaaliya u xakameynayso ugana hortagtayso cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalka iyo geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, isaga oo boggaadiyay dhammaan dadaallada dib u heshiisiinta ee ka socda dalkaas.

“Waxaan jeclahay in aan qiro dadaallada ay muujiyeen dhammaan qeybaha ka shaqeeynaya suurtagelinta heshiis nabadeed iyo xoojinta iskaashi amni. Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa hanaanka socda ee isku dhafka iyo dib u dhiska hey’adaha amniga iyo kuwa rayidka oo loo dhan yahay ee Suudaanta Koonfureed.” ayuu yiri MD Farmaajo.

Shirkan ayaa ahaa meertadii 36aad ee shir madaxeedka urur goboleedka IGAD.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *