Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Puntland

Published: July 12, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida madaxweyne kuxigeenkii ugu horeeyey Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi (AUN), ahaana Madaxweynihii labaad ee Puntland.

Alle ha u naxariiste marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.” ayuu yiri MD Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka iyo dowlada Puntland uga tacsiyeeyey geerida ku timid Maxamed Cabdi Xaashi oo noqday madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale madaxweyne Ku xigeenkii ugu horeeyey ee Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *