Published: June 26, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xariga ka jaray xaruntii murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka oo dib u dayactir lagu sameeyey.
Tiyaatarka ayaa lagu dayactiray barnaamijka iskaa-wax-u-qabso kaasoo ay ka wada qaybqaateen shacabka iyo shaqaalaha dowlada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan dadkii ka qaybqaatay dayactirka xaruntan.
Inta lagu guda-jiro maalmaha xoriyada ayaa la filayaa inuu madaxweyne Famaajo xariga ka jaro dhismayaal kale oo muhiim ah sida garoonka kubadda cagta Muqdisho.







Horseed Media