Published: February 13, 2022
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Karaash-Wado-130222-1.jpg)
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xariga ka jaray dhisme iyo dayacir lagu sameeyay wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Karaash-Wado-130222-2.jpg)
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka ee ku shaqo leh Wadooyinka ee shaqadan qabtay iyo Shirkadda dhismaha iyo dayactirka ku sameynaysa Wadada Laascaanood-Garoowe, waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha Dowladda ee dayactirka lagu sameynayno dhammaan Wadooyinka Puntland.