Madaxweyne Laftagareen oo arimaha Abaaraha kala hadlay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Published: September 3, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths

Madaxweyne Laftagareen iyo Xoghayaha UN-OCHA ayaa ka wada hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta, waxaana ugu sii daran go’doonka ay deegaannada maamulkaasi galiyeen Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *