Madaxweyne Laftagareen oo Senetarada KGS ku metela Aqalka sare kala hadlay abaaraha & amniga

Published: August 17, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed. 

Kulanka Madaxweynaha iyo Senetarada waxaa looga hadlay Arimaha u gurmashada Dadka ay Abaartu Saamaysay.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed oo waayadii dambe ay dhaceen falal amni darro.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli ay abaar daran ka jirto guud ahaan dalka, taas oo qarka u saaran inay isku bedesho macluul.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *