Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Baydhabo

Published: June 2, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogga Magaalada Baydhabo ayaa xalay munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladaasi.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, masuuliyiin kale iyo qaybaha bulshada.

Madaxweyne Xasam Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabadaasi ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo bulshada Koonfur Galbeed kaga mahadceliyay soo dhaweynta diiran.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay muhiimadda dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo in loo istaago gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu dhibaateeyeen.

“Waxaan ka hadalnay duruufaha dalka, guud ahaan iyo gaar ahaan deegaankan duruufaha ka jira. Runtii deegaankan duruufo gaar ah ayaa ka jira, duruufahaas oo dalka Somaliya qaybo ka mida ay la wadaagaan, duruufo qaarkoodna ay ayaga gaar u yihiin, sida deegaan kastaba uu duruufo u gaar ah uu u leeyahay ayaa Koonfur Galbeed-na waxay leedahay duruufo u gaar ah oo ayada u gaar ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Deegaankan waa deegaan la yaqaano oo ka mid ah deegaanada wax soosaarka dalkan u leh. Wax soosaarka waa sii kala daran yahay, weliba wax soosaarka xagga cuntada u leh ayay ahaayeen. Dadka Soomaaliyeed boqolkiiba toddobaatan (70%) miyiga ayay degan yihiin, dadkaasi inta badan miyiga baasto iyo bariis lagama cunno, soor ayaa laga cunnaa, soortana inta badan masagaa laga karsadaa, masagada laga karsadana deegaankaanee ka bixi jirtay, laakiin duruufihii siyaasadeed iyo nimankan nabadiidka ah ee dalka ku soo biiray iyo cimilada is bedeshay awgeed waa is bedeleen xaaladahaasi.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray “Maanta dadka Koonfur Galbeed waxaa lagu khasbay, ayna ku khasboonaadeen inay guryahoodii, beerahoodii iyo meelihii ay wax ka soo saari jireen inay ka soo cararaan, oo ay magaalooyinkan soo galaan, kuna tiirsanaadaan kaalmada dadka Soomaaliyeed ama mid dibadda ka timaado.”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *