Mahdi Guuleed: “Xiriirka Kenya iyo Somalia waa arin gooni ka ah Xukunka Maxkamadda ICJ

Published: May 8, 2021

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay natiijada ku dhawaaqista Xukunka Dacwadda Badda ee laga sugayo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Mahdi Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in Soomaaliya ay Maxkamadda ICJ ka sugayso Xukun cadaalad ah maadama ay soo dhamaatay dood afeedkii Dacwadda badda ee Maxkamaddu qaaday Bishii March ee lasoo dhaafay, Mahdi ayaana docda kale tilmaamay in kiiska badda aanu wax xiriir ah la yeelan doonin Cilaaqaadka labada Dal ee diblomaasiyadda ee ay dib u soo celiyeen.

“Muranka badda waxaa dhammaystiri doona maxkamadda ICJ, kaddib dhegeysigii dood-afeedka ee Maarso, Waxaan sugaynaa xukun caddaalad ah, xidhiidhka diblumaasi ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya waa arrin goonni ah”.

Dowladda Wakhtigeedu idlaaday ee Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in wadahadal kadib ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya kadib dhowr bilood oo uu aad xumaa xiriirka labadan dal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Mogadishu gacan Qabiil oo magaca Qaranka Ku macaasha ayey Ku jirtaa.
    Ilaa gacan Ku haynta Mogadishu ee Hawiye laga Xoreeyo, Somalia sooma noqan Karto.
    Gacan Ku hayn Mogadishu ayaa Somalia Caqabad run ah jiritaan Somalia oo xor ah.

  2. Farmaajo waxuu ahaa nin Hawiye u adeega, oo markii larobo , la handado, dhibaatada Farmaajo argagaxa Ku noqotay wuxuu tabo baray ciidan Hawiye, oo qabiil hoosyimaada.
    Ciidankii uu taba baray ayaa siyaasad qabiil ugu weerarin Farmaajo.