Maleeshiyaadka Ciraaq oo duqeeyey Saldhiga Mareykanka ee Siiriya

Published: April 22, 2024

Ugu yaraan shan gantaal oo laga soo tuuray magaalada Zummar ee dalka Ciraaq ayaa lala beegsaday saldhig milatari ee Maraykanka ku leeyahay waqooyi-bari Suuriya Axaddii shalay.

Weerarka ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo horraantii bishii Febraayo markaasoo kooxaha Iran ay taageerto ee Ciraaq ay joojiyeen weeraradii ka dhanka ahaa ciidamada Mareykanka.

Qoraal la soo dhigay barta Telegram-ka ee xiriirka la leh Isbaheysiga Kooxahan ayaa lagu sheegay in kooxaha hubeysan ee Ciraaq ay go’aansadeen in ay weerarrada dib u billaabaan kaddib muddo ku dhow saddex bilood oo hakad ah, kaddib markii ay fashileen wadahadalladii la xariiray in dalka Ciraaq laga saaro Ciidamada Mareykanka ee halkaas ku sugan.

Waxay ku soo beegantay maalin uun ka dib markii Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shiico Al-Sudani uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Joe Biden.

Sarkaal Mareykan ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in 5 gantaal laga soo riday dalka Ciraaq kuna soo jeeday ciidamo ku sugan saldhiga isbaheysiga ee Rumalyn ee dalka Suuriya, balse aysan jirin cid Mareykanka ah oo wax ku noqotay.

Weeraradan ayaa yimid kadib markii subaxnimadii hore ee sabtidii qarax weyn oo ka dhacay xero ciidan oo ku taal dalka Ciraaq lagu dilay xubin ka tirsan ciidamada amaanka Ciraaq.

Horseed Media