Maraykanka oo duqeeyey Buulo Falaay

Published: January 14, 2021

Militariga Maraykanka ayaa sheegay inay duqeyn la beegsadeen tuulada Buulo Falaay oo ku taal xaduuda gobalada Bay iyo Shabeelada Hoose.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska militariga Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu dilay ugu yaraan hal xubin oo ka tirsan Al Shabaab iyadoona lagu burburiyey xarun ay lahayd kooxdaasi.

Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntan ay qeyb ka tahay hawlgalada ay gacanta ku siinayaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

“…Xogta horudhaca ah ee aanu helayno waxay noo xaqiijineysaa in duqeyntan aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin shacabka…” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *