Maraykanka oo shaaciyey magaca shakhsi maalgeliya u ah Daacish Soomaaliya

Published: July 28, 2023
Shares88

Waaxda Hantidhowrka Mareykanka ee Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibaddaiyo ka hortagga maal-gelinta argagixisada (OFAC) ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo lagu sheegay in uu yahay madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacish.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Cabdiweli Maxamed Yuusuf door muhiim ah ka qaatay gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibka ah, agabka iyo saanada dagaalka isagoo ka wakiil ah Daacish-Soomaaliya, taasoo xarun u ah bixinta dhaqaalaha iyo hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaalla qaaradda.

Daacish-Soomaaliya ayaa inta badan dakhligeeda kasoo xarooda lacago baad ah, iyagoo si gaar ah u bar-tilmaameedsada bulshada deegaanka si ay lacag uga helaan iyo kuwa ay qortaan, iyadoo inta badan ay khatar ku yihiin rabshado.

Cabdiweli maxamed Yuusuf ayaa la sheegay in uu dhashey sanadkii 1981, kuna dhashey oo ka soo jeedo gobolka Bari ee Soomaaliya, waxaana war saxaafadeedka ku soo baxay laba magac oo kale oo loogu yeero sida Ina waran iyo Walaac.

“Kooxaha argagixisada, iyo Daacish-Soomaaliya, gaar ahaan, waxay raadiyaan inay ka faa’iidaystaan dayacanka hay’adaha si ay u maalgeliyaan hawlahooda. Cunaqabataynta maanta la saaray waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Maraykanka inay ka faa’iidaystaan mas’uuliyiintayada si ay u taageeraan saaxiibadayada, oo ay ku jirto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo xoojinta xasilloonida iyo amniga qaranka iyo gobolka,” ayuu yiri Ku-xigeenka Xoghayaha Waaxda ka hortagga Maaliyadda Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson ka dib markii uu Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa bishii Nofeembar 2022 shaacisey magacyo badan oo ah shabakad Soomaaliyeed oo ka ganacsada hubka xiriirna la wadaaga Daacish, ayaa la sheegay in Cabdiweli Maxamed Yusuf oo loo yaqaan Walaac uu la xiriiro. Waxa ay sidoo kale daba socotaa falkii ciidamada Mareykanka ee bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay laguna dilay hogaamiyihii Daacish ee fadhigoodu ahaa Soomaaliya Suhayl Saalim Abd El-Rahman, oo loo yaqaanay Bilaal Al-Sudani, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Maraykanka.

Horseed Media