Maraykanka oo qaaday tallaabo kale oo Shinaha ka caraysiisey

Published: September 3, 2022

Mareykanka ayaa go’aansaday inuu u diro Taiwan hub qiimihiisu yahay 1.1 bilyan.

Taiwan ayaa sidoo kale ka iibsanaysa Maraykanka nidaamka Raadaarka iyo gantaalada Mareykanka oo ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada difaaca jasiiradda.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, keenista hubka waa lagama maarmaan si loo sugo ammaanka Taiwan.

Shiinaha oo u arka in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah Shiinaha, ayaa arrintaas ka carooday. Sida laga soo xigtay Shiinaha, taageerada milatari ee Taiwan waxay khatar ku tahay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka iyo xasilloonida iyo nabadda marin biyoodka Taiwan.

Maraykanku waxa uu ka gaabsaday muddooyinkii danbe hadaladiisa ku saabsan Taiwan, ilaa uu Madaxweyne Joe Biden ka sheegay booqashadii uu dhawaan ku tegay Japan, in Maraykanku uu difaaci doono Taiwan haddii jasiiradda la soo weeraro.

Bil ka hor ayay ahayd markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqatay Taiwan.

Shiinaha ayaa ku jawaabay dhoolatus milatari oo ballaaran oo uu ka sameeyay meel u dhow Taiwan, wuxuuna joojiyay wadahadal uu la lahaa Mareykanka oo ku saabsan isbeddelka cimilada iyo arrimaha militariga, iyo waxyaabo kale.

Xigasho: AFP

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *