Mareykanka oo duqeeyey saldhigyo ku yaal Suuriya

Published: October 27, 2023

Labo ka mid ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Jimcihii duqeeyay xarumo kaydka hub iyo rasaasta oo ku yaalla dalka Suuriya, iyagoo uga aargudayay weerarada maleeshiyaadka ay taageerto Iran ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee dalkaas ku sugan, xili ay sii kordhayso cabsida laga qabo in dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uu ku fido Bariga Dhexe.

Duqeymaha Mareykanka ayaa dhacay abaare 4:30 subaxnimo saaka oo Jimce ah gudaha dalka Suuriya meel u dhow Abu Kamaal, oo ah magaalo saaran xadka Ciraaq, waxaana fuliyay laba diyaaradood oo F-16 ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in la weeraro labada xarumood ee ay adeegsadaan Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran iyo maleeshiyaatka ay taageerto, war kasoo baxay Gaashaandhiga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay qaadi doonaan tillaabooyin dheeri ah haddii ay sii socdaan weerarada ka imaanaya Iran.

Ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda ayaa ugu yaraan 19 jeer lagu weeraray dalalka Ciraaq iyo Suuriya maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa Khamiistii shalay ka sheegay Qaramada Midoobay in haddii duullaanka Israa’iil ee ka dhanka ah Xamaas uu joogsan waayo, in Mareykanku “uusan ka badbaadi doonin dabkan”.

Horseed Media