Mareykanka oo Iran ku eedeeyey weerarada Saldhigyadooda Ciraaq iyo Suuriya

Published: October 24, 2023

War kasoo baxay Aqalka Cad ee Madaxtooyada Maraykanka ayaa Isniintii lagu sheegay in Iran ay “si firfircoon u fududaynayso” weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay fuliyaan kooxaha Iran taageerto ee ku wajahan saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya.

Afhayeenka Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in ay sare u kaceen weerarrada noocan oo kale ah usbuucii la soo dhaafay, gaar ahaan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, laakiin Mareykanku uu iska difaaci doono.

Waxa uu sheegay in Maraykanku uu rumaysan yahay in kooxahan ay taageerayaan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) iyo dawladda Iran, kuwaas oo sidoo kale sii wada taageerada ay siiyaan kooxaha Xamaas iyo Xisbullah.

Iran ayaa todobaadkan ka digtay in xaalada Barriga Dhexe ay faraha ka bixi doonto hadii Israel sii wado duulaanka ay ku heyso Gaza.

Waxaa sii kordhayay weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay Israel 7-dii Oktoober markaasoo dagaal-yahanada kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay weerareen koonfurta Israel.

Horseed Media