Martigiliyaasha koobka Adduunka ee Qadar oo noqday xulkii ugu horeeyey ee tartanka ka hara

Published: November 25, 2022

Martigiliyaasha koobka Adduunka ee Qatar ayaa noqday xulkii ugu horeeyey ee isaga hara tartankaan halka Senegel ay noqdeen xulkii ugu horeeyey ee ka socda Qaarada Africa ee guul gaara koobka Adduunka ee 2022 heerkiisa guruubyada.

Xulka dalka Senegal ayaa noqday kii koowaad ee Afrikaan ee guul ka keena Ciyaaraha haatan socda ee Koobka Adduunka.

Dalka loo martida yahay ee Qadar ayaa markii labaad guul darro kala kulmay garoomadii ay dhaqaalohooda ku dhiseen.

Xulka Senegal ahaa galabta dhiggooda Qadar kaga badiyey saddex gool iyo hal (3:1).

Sidoo kale Xulka Ecuador ayaa 2-0 uga badiyay xullka Qadar ciyaartii furitaanka Koobka Adduunka.

Horseed Media