Maxaa ka soo baxay Shirkii Wadatashiga Masuuliyiintii hore ee dalka iyo Madaxda Dowladda Federaalka?

Published: July 13, 2023

Shirkii Wadatashiga madaxda qaranka iyo masuuliyiintii hore ee dalka ayaa la soo gebagebeeyey maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho. Shirka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne hore, shan Raysalwasaare hore, laba guddoomiye baaarlamaan ee hore, siyaasyiin xilal kala duwan soo qabtey iyo madaxda qaranka ee hadda xafiiska fadhiya.

Sida uu horey u sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed shirkan waxaa isugu imaanaayey masuuliyiintii ka horyimid go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee sida weyn u taabanaayey masiirka dalka.

Shirkan ayaa diirada lagu saarey lix qodob oo ka mid ah kuwii ay go’aanka ka gaareen GWQ:

  1. Habka doorasho ee dalku qaadanaayo
  2. Nidaamka dalka lagu maamulaayo, Madaxweyne iyo ku-xigeen mise baarlamaani sida hadda uu yahay
  3. Tirada xisbiyada dalku yeelanaayo
  4. Guddiga Doorashooyinka Qaranka
  5. Muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka iyo weliba kuwa dowlad goboleedtada
  6. iyo Dhamaystirka dastuurka Federaalka Soomaaliya

Shirka ayaa isku raacey in maqnaanshaha Puntland ay wax weyn u dhimeyso dhamaan go’aamada masiiriga sidaas darteed, go’aamo Puntland ka maqan tahay aysan suurta gal ahayn dalka lagu dhaqo, waxaana Puntland loogu baaqey in ay qayb ka noqoto geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Akhriso war murtiyeedka laga soo saarey shirka

Horseed media