Maxaa kasoo baxay Shirkii Afisyooni ee Arimaha Doorashooyinka

Published: March 23, 2021

Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Ra’iisul Wasaaraha , Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta markale iskugu yimi kulan warbixin looga dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee uu khilaafka hareeyay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay in madaxda ku shirtay Afisyooni ay warbixin gaar ah ka dhageysteen Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe oo ah kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Warbixintaas oo la xiriirta qorshaha mideysan ee 16 bishii hore ay magaalada Baydhabo ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka.

Guddiga uu hogaaminayo Wasiir Dubbe ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.

Wali waxaa khilaaf uu ka taagan yahay hanaanka loo maareynayo qabsoomidda doorashooyinka dalka xili shalay la filayay in la isugu yimaado shir loo dhan yahay oo ay qaadaceen madaxweynayaasha Puntland iyo jubaland shirkaasoo la doonayay in heshiis laga gaaro qodobada la isku mari la’yahay ee arimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *