Maxabiis al-Shabaab ah oo ka baxsadey xabsi ku yaala Gaalkacyo

Published: July 14, 2022
Maxabiistan waxaa la xukumey bushii Luuliyo 2021, waxaana lagu helay denbiyo dilal ah in ay geysteen

Habeenimadii xalay ee Khamiista waxa xabsi ku yaala banaanka magaalada Gaalkacyo ka baxsadey 7 nin oo kamid ahaa amiiradii al-Shabaab ee magaalada Gaalkacyo dhibaatada ka geystey. Sida wararku sheegayaan maxbuusiinta jabsadey xabsiga ayaa ku xukunaa dil, kadib markii lagu helay denbiyada lagu soo oogey, bishii Luuliyo sanadkii 2021.

Wararku waxay sheegayaan in ciidanku ka dabatageen, mid toogasho ku dileen, saddex mid dhaawac yahay ay soo qabteen, laakiin saddexda kale lugtoodu furan tahay oo lagu jiro baadigoobkooda.

magacyada saddexda nin ee baxsadka ah ayaa kala ah:

  • Xasan Isaaq Maxamed
  • Maxamed Cali Maxamed (Istakiin)
  • Liibaan Ciise Hilowle (Madaxkariye)

Xabsiga ay ku xirnaayeen ma ahayn mid hoos yimaada ciidanka asluubta, waxaa lagu sheegay Xabsi gaar ah oo waxaa ilaalo ka hayey ciidamo daraawiish ah.

Sida warar ku dhaw Xabsiga ay sheegayaan, maxaabiistan ayaa waxaa ku xirnaa silsilado iyaga oo qolkooda jooga. Lama yaqaano qaabka ay ku baxsadeen iyo in ay jirto cid u fududeysey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *