Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa bilaabay wajigii labaad ee doodaha farsamada ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika

Published: February 5, 2022

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo saaxiibada beesha caalamka ayaa ka wadahadlaya waajibaadka howlgalka cusub ee Midowga Afrika.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa beddeli doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo waqtigoodu dhammaanayo 31-ka Maarso 2022.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in howlgalka la soo jeediyay, sida ay ku heshiiyeen dhinacyada ugu muhiimsan ay diiradda saari doonaan sidii loo hirgelin lahaa mudnaanta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP).

Qorshaha STP waa istaraatiijiyad dhameystiran oo ay dejiyeen Dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka si ay ugu jiheeyaan si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

“Sida ay soo jeedinayaan kooxaha farsamada ee DFS iyo AU, waajibaadka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu noqon doonaa in la taageero dowladda Federaalka si ay u fuliso ujeedooyinkeeda istiraatijiyadeed iyo mudnaanta ee STP,” ayuu yiri Wasiir Nuur.

Madaxa AMISOM iyo SRCC, ayaa sheegay inay muhiim tahay in kooxaha farsamada ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu kala saarayo howlgalka cusub iyo AMISOM.

Waxaan ku heshiinay waxa loo baahan yahay in la sameeyo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii arrintan loo fulin lahaa, iyadoo la adeegsanayo qaabka iyo waxa la rabo in lagu kala saaro howlgalka cusub ee AMISOM. Kani waa mashruuc lama huraan u ah dhammaanteen, laakiin si uu u guulaysto waxa uu u baahan yahay dammaanad qaadka ilo lagu kalsoonaan karo oo dhaqaale iyo taageero ku filan oo la saadaalin karo. Sidaa darteed, marka uu dhamaado shirka farsamada, waa in aan awoodno in aan sameyno ballanqaadyo cad oo ku saabsan waxa qof walba oo naga mid ah uu ku biirin doono si gabagabada lagu heshiiyo loo noqdo mid hirgasha oo guul ah,” ayuu yiri Danjiraha Midowga Afrika Amb.Madeira.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in si guul leh dib u habeyn loogu sameeyo AMISOM iyadoo loo marayo wadatashi, iskaashi, iyo isku dubarid.

Waxaan soo dhawaynaynaa bilawga wadahadalada farsamo si loo sii horumariyo qabyo qoraalka Fikradaha Hawlgallada, samaynta soo jeedin wadajir ah, iyo xirmada taageerada saadka si waafaqsan khariidadda la isku raacay. Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, oo ah kombuyuutar lagu hagayo shaqadeena, ayaa diiradda saaraya sidii Soomaaliya loogu gaarsiin lahaa isbedel amni oo dhameystiran, Qaramada Midoobayna waxaa ka go’an in ay taageerto hannaankan ay Soomaalidu hormuudka ka tahay. Waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo in dib-u-habaynta AMISOM ee hawlgal cusub ay qayb muhiim ah ka tahay dadaalkan,” ayuu yiri Gbeho.

Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto howlgalka dib u habeynta lagu sameeyay, ilaa inta uu ka bixinayo caddeymo macquul ah oo ku aaddan jihada uu qaadi doono.

Warqada wadajirka ah waxay tixraacaysaa maalgelin waara, la saadaalin karo iyo maalgelin ku filan, waxaanan dhihi karaa waxaan diyaar u nahay inaan noqono wax ku biiriye oo aan xaqiijino saadaalintan, si kastaba ha ahaatee waa in la sameeyaa qorshe dib-u-qaabayn oo macquul ah, macquul ah oo diiradda saaraya,” ayay ku nuuxnuuxsatay. .

Madaxa Horumarinta Siyaasadda ee Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika, Zinurine Algahli, ayaa sharraxay qodobbada heshiiska ay kala saxiixdeen Kooxaha Farsamada ee AU-FGS ka dib wada-shaqeyntoodii 17-kii ilaa 21-kii Jannaayo 2022 ee Addis Ababa, Itoobiya, ee loo idmaday.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Kate Foster, ku xigeenka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Kosif Ismaaciil Emre iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wakiilo ka socday safaaradaha Kenya, Uganda, Ethiopia, iyo Jabuuti ee Soomaaliya. Wadamadan ayaa qeyb ka ah wadamada ciidamada iyo booliiska ku deeqay AMISOM.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *