Midowga Musharaxiinta Oo Si Kulul Uga Hadlay Shacab Lagu Rasaadeeyey Muqdisho

Published: December 15, 2020

Golaha midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dad shacab ah oo ciidamada dowladu ku xabadeeyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhigayey banaanbax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

War saxaafadeed kasoo baxay midowga musharaxiinta ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladu si arxan darrida ah xabado ama rasaas ugu fureen shacabkii maanta sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey Muqdisho.

Talaabadan ayey ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana rasaastii ciidankaasi fureen uu dhaawac kasoo gaaray afar ruux halka laba kalena la xiray.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *