Midowga Musharixiinta oo dalbaday in la badalo La-taliyaha dhexdhexaadinta Midowga Afrika

Published: May 9, 2021

Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey magacaabistii ururka Midowga Afrika uu Soomaaliya ugu soo magacaabay Ergayga gaar ah ee dhexdhexaadinta khilaafka arimaha doorashooyinka dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in si buuxda ay Midowga Musharixiinta ula shaqeyn doonaan Ergeygan cusub iyagoona ka codsaday saamileyda kale ee siyaasadda dalka in ay la shaqeeyaan Ergaygan cusub John Dramani Mahama Madaxweynihii hore ee dalka Ghana .

“Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka ee dastuurku jideeyay,”

ayaa lagu yiri war-saxaafadeedKA midowga musharaxiinta.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen uga dalbay gudoonka Midowga Afrika in dib u eegis lagu sameeyo La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika Mr. Babatunde kaas oo ay ku eedeeyeen in uu u kala eexday dhinacyada siyaasadda dalka.

“La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika Mr. Babatunde Taiwo, intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya, waxuu si furan u baacsaday, isaga iyo qaar kale oo ka tirsan hoggaanka AMISOM, koorsooyin siyaasadeed oo xad gudub u ah waajibaadkiisa, isla markaana si dhab ah oo taban uga qayb qaatay dhibaatadii ka dhacday dalka, haatana waxaa loo xilsaaray dhexdhexaadin. Markii aan dib-u-eegista iyo latashiga ballaadhan la yeelanay Mr. Taiwo waxqabadyadiisii ​​hore iyo faham la’aantiisa dhaqanka Soomaalida,Goluhu si niyad sami ah ulama shaqeyn karo Mudane Taiwo. Waxaan rajeyneynaa kana codsanayaa in Midowga Afrika inuu si xushmad leh uga fiirsado magacaabistiisa,”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *