Midowga Musharixiinta: Waxaan ka digeynaa dhawaaqa Muddo kororsiga ee nasoo gaaraya

Published: March 27, 2021

Golaha ay ku midoobeen musharixiinta Mucaaradka Soomaaliya ayaa ka digay in Baarlamaanka wakhtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ay hay’adaha dowladda u sameeyaan muddo kordhin maadama ay dhamaatay mudadoo afarta sano ee sharciga ahayd.

Midowga Musharixiinta ayaa xusay in ay Baarlamaanka kasoo garayaan warbixino la xiriira sharci jabin iyo muddo kordhin Hay’adaha ugu sareeya dalka ah taasoo horseedaysa qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

“Arimaha Baarlamaanka ka socda runtii waxaa nagasoo gaaraya wax waa weyn oo ah muddo kordhin iyo waxyaabo kale ah taas xiligeedii lama joogo ,awood sharcina u malaha ,Warbixinta aan helaynana waa u heelanaan sharci jabin ah gaadmo ah iyo dastuur baalmarid ah taasoo uu gadaal ka riixayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday

Sidoo kale Midowga musharixiinta ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay doorasho si xor ah ku dhacda taas badalkeeda uu maciin bidayo muddo kororsi uu sameeyo.

“Farmaajo xilku wuxuu ku yimid sanduuq dhalo ah hadii uusan uga dagin sanduuq dhalo ah ee qori iyo awood aan sharci ahayn uu kusii joogo anaga waxaan rabnaa sanduuqa iyo sharcigain uu ku haro isagaa diidan Soomaalida hanala aragto”

Dhinaca kalena Musharixiinta mucaaradka ayaa sheegay in ay kulan la qaataan madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka kaasoo ay uga wada hadleen arimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *