Munaasabada ciida carafo oo maanta siweyn looga dabaal dagayo dunida islaamka

Published: August 21, 2018

Guud ahaan dunida Muslimka ayaa maanta looga dabaal dagayaa munaasabada ciidul adxa,waxaana meelo badan oo kamid ah caalamka laga oogayaa maanta salaadda ciida,iyadoona shacabka ay iskugu hambalyeynayaan munaasabada ciidda.

Meelaha maanta sida weyn looga dabaaldagayo munaasabada ciida waxaa kamid ah magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo,Beydhabo,Bosaaso,Garowe,Gaalkacyo iyo magaalooyin badan oo kamid ah dalka kuwaasoo dhamaan maanta si farxad ay ku dheehan looga maamuusayo ciida.

Ilaa inta la ogyahay lama soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacay deegaanada Soomaalida ay degto balse amaanka guud ee magaalooyinka kala duwan ee dalka waa mid la isku halayn karo marka laga reebo falal amni darro oo mararka qaar dhaca.

Ciida Carafo oo kamid ah ciidaha ay muslimiinta u dabaaldagaan ayaa la maamuusaa sanadkiiba mar iyadoona maanta ay noqonayso 10-bisha Carafo ahna maalinta koowaad ee ciidda Adxa ,dadkuna ay soomaanayeen maalintii shalay.

Ciid mubaarak ciid wanaagsan ayaan idin leenahay meelkasta oo aad joogtaan

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *