Muqdisho: Qarax lala beegsaday dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka 

Published: September 25, 2022
Shares2

Qarax ayaa saaka ka dhacay Warshada nacnaca oo ku taala wadada aada deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qarax oo noociisu ahaa ismiidaamin waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa kaas oo beegsaday dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka oo xilligaas lagu diiwaangelinayey xerarada, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimashada illaa 10 ruux iyo dhaawacba uu sababay qaraxaasi ismiidaaminta ah.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa wada baritaano kala duwan, mana jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

Horseed Media