Muqdisho: Welwel Laga Qabo Badqabka Imtixaanaadka Sanadkan

Published: July 15, 2020

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah Dacaayaad (Propagaanda-da) laga faafiyi Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020, kaasi koonfurta iyo bartamaha Somaliya ka bilaabandoona 18-July-2020.

Sida ay sheegtay Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre, waxaa sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 ufadhiisandoona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard8) 11/July/2020 & Dugsi sare 18-July-2020.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa sheegay inay diyaariyeen  2000 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar sugta Amniga goobaha imtixaanada, Ilaalinta geedi socodka imtixaanada iyo daabulaada imtixaanka.

“” Hadaba, iyadoo aad looga taxadaray #Badqabka imtixaanaadka sanadkaan, ayaa waxaa jiri kara #Propaganda iyo Qalqal lagu abuuro Waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed, waxaan #Digniin adag gaarsiinaynaa qof walba oo isku daya in uu abuuro qalqal Imtixaan, iyadoo Hadaba aan qaarkood gacanta ku hayno” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliiska Somaliya

Taliska Booliisku waxay ka codsadeen dadweynaha inay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa dacaayadaha iyo borobogaandada lagu waxyeelaynayo imtixinaanaadka shahaadiga ee wasaaradda waxbarashada federaalka

Imtixaanaadka Shaahaadiga ee ay qaado wasaaradda waxbarshada ee federaalka ayaa ka dhacaya maamuladda Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *