Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka EYL

Published: October 26, 2021

Natiijada doorashadii Qof iyo Cod ee ka dhacday degmada Eyl ee gobalka Nugaal ayey cododka ugu badan heleen Sadexdda urur; KAAH, Mideeye iyo Cadaaladda & Sinaanta.

Ururka Kaah oo ay ku mideysan yihiin xukuumada taladda heysa ayaa helay codod gaaraya 2.659, halka ururka Mideeye oo kusoo xigay uu helay 1.108, ururka Cadaaladda & Sinaanta ayaa helay 854 cod.

Degmada Eyl ayey sidoo kale codod ka heleen ururada kale walow aysan kuraas badan helin.

27 kursi ee golaha Deegaanka ayaa loo kala helay sidan:

Kaah – 13 Kursi
Mideeye – 6 Kursi
Cadaaladda iyo Sinaanta – 4 Kursi
Runta iyo Cadaaladda – 2 Kursi
Horseed – 2 kursi

Dumarka kuraasta helay ayaa gaaraya 6 xubnood.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *